Soomaaliya oo maamul federaal ah uu ka hanaqaaday in ka yar 10 sano ayaa waxaa uu jahwareer badan ka dhashay qaabka ay isu la janqaadi karaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo marar badan isku khilaafay awoodaha iyo go’aanada siyaasadeed.

Marka qof uu maqlo magaca ”Madaxweyne” waxaa maankiisa kusoo dhaco hogaamiyaha dal ama jamhuuriyad, balse Soomaaliya waxaa madaxda maamulada loogu yeeraa isla magaca Madaxweyne, taas oo keentay jahwareer badan iyo is-garab yaac ka dhashay hogaanka dalka, maadaama maamul kastaa uu leeyahay hoggaamiyayaal loogu yeero madaxweynayaal.

Halkee wax ka khaldan yihiin?

Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 48, farqadiisa (b), waxaa lagu qoray dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrintaas oo dad badan ay saluugsan yihiin. Balse dastuurka kuma xusna waxa loogu yeerayo qofka hoggaaamiye ka noqdo maamul goboleed.

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda iyo dastuurka, erey-bixinta markii la qorayay dastuurka ayey ahayd in la kala leexiyo waxa loogu yeerayo.

Abukaate Zakariya Yuusuf oo ka mid ahaa aqoonyahannadii aragtidooda ka dhiibtay qoridda dastuurka qabyada ee Soomaaliya ayaa sheegay in hannaakii ugu horeeyay ee lagu heshiiyay xilligii shirkii Mbagathi uu aasaas u yahay isqabqabsiga.

“Waxaa hannaanka la diyaariyay xilli ay hoggaamiyo kooxeedyadii ay kala shakisnaayeen, mana aysan dooneyn in Madaxweynaha uu awood badan yeesho”, ayuu yiri Sakariye.

Arrinkan ayuu Abuukaate Zakariye sheegay in waxyaabaha ilaa iyo iminka aanan laga heshiinin ay kamid tahay nooca dastuur ee Soomaaliya ay yeelaneyso.

Sida heshiiskaas ku qoran, waxaa dhismaha federaalka Soomaaliya loo qeybiyay afar qeyb oo ay ka mid yihiin Dowladda federaalka ee Soomaaliya, Dowlad goboleedyo.

“Inta uu jiro kala shakiga qabaa’ilada iyo hoggaamiyayaasha u dhexeeya iyo cabsida la kala qabo way adagtahay in la dhiso dowlad adag”, ayuu raaciya abukaataha.

Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya caqabado ay la kulmeen madaxdii isaga ka horeeyay oo ah sida awoodda ay u kala qeybsan tahay.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la hadlay dhallinyaro iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in shirkii Garowe uusan fashil ku dhammaan, wuxuuna eedeeyay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Dunida kale ma ka jiraa dal madaxweynayaal badan leh?

FaarmaajoLahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA

Waxaa jiro waddamo ku dhisan hab federaal ah sida Mareykanka iyo Nigeria.

Dalalka ugu dhow Soomaaaliya ee xuduudda la leh sida Itoobiya iyo kenya, waxay ku dhisan yihiin hannaan federaal ah, balse waxaa kala duwan sida loogu yeerayo iyo awoodaha midwalba uu leeyahay oo dastuurka ku cad.

Madaxda maamullada Itoobiya waxay awood u leeyihiin maamulka gudaha deegaannadooda, balse dowladda federaalka ayaa go’aan ka gaarta khayraatka, difaaca, maaliyadda iyo arrimo kale, taasi oo ka duwan Soomaaliya oo marka dowladda federaalka ay damacdo inay tallaaba qaado ay ku qasban tahay inay qanciso,lana tashato maamulada kale.

Kenya ayaa sidoo kale maamullada aysan u madaxbannaaneyn laamaha amniga sida booliska iyo militariga. Si la mid ah, madaxda gobollada waxaa loogu yeeraa Gobarnatoore, loomana ogola in madaxweyne lagu magacaabo ama ay soo farageliyaan howlaha dowladda dhexe.

Dowladda dhexe ee Kenya ayaa sidoo kale arrimaha u gaarka ah wax wadatashi ah aanan kala yeelanin maamul goboleedyada, waxaana si lamid ah hannaankaas isticmaala dalka Nigeria iyo Mareykanka, hasa yeeshee Soomaaliya waxaa muuqata inay ka duwan tahay dalkaas, jahwareer badan na laga dhaxlay.

“Dowladda keligeed go’aan ma gaari karto, waana in la tashi ay la yeelato maamullada. Taasna waxaa sabab u ah dastuurka”, ayuu yiri Sakariye yusuf.

Wuxuu intaa ku daray, “Iyadoo lakala baqayo ayaa dastuurka la sameeyay, marka waxaa laga dhigay mid nugul oo wax aan laga wadatashan uusan sameyn karin madaxweynaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here