Sarkaalad ka tirsan bilayska Texas ayaa ku dishay nin da ‘yar oo gurigiisa, ka dib markii la toogatay isla markaana si khalad ah u maleeysay in uu u soo dhacay gurigeed, sidaana waxa sheegay bilayska.

Sida laga soo xigtay qoraal ay soo saartay booliska, waxay gashay guriga dhibbanaha kadib markii ay dhammaatay wareeggeedii shaqo ee Khamiistii, iyada oo rumaysan in gurigeedii uu yahay, ka dinba ay  si lama filaana ula kuantay Bootham Cheem Jan, oo 26 jir ah.

Mas’uuliyiintu wax faahfaahin dheeri ah kama bixinin sida uu dilku u dhacay, laakiin haweeney bilays ahi waxay soo qabatay qoriigeeda waxayna ugu dambeyntii ku dishay Jean sida ay sheegtay BBC.

Haweenaydii  bilayska ahayd, oo wali xiran dharka bilayska oo aan dhaawac ahayn, ayaa u sheegtay bilayska dhacdadaas.

Bilayska ayaa goobta timid afar daqiiqo ka dib markii dilku dhacay, isla markana gargaar degdeg ah u gaysay dhibbanaha goobta, ka hor intaan loo qaadin isbitaalka, laakiin dabadeedna u dhintay.

Dhacdadu waxay ka dhacdey dhismo sare oo keli ah, oo ka fog xarunta bilayska ee Dallas dhexe.

Sarkaalka bilayska ayaa la siiyay fasax khasab ah illaa bilayska iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ay sameeyeen baadhitaannada lagama maarmaanka ah.

Warbaahinta maxalliga ahi waxay soo warisay in Jean uu yahay muwaadin u dhashay Saint Lucia, jasiirad ku taal Kariibiyaanka.

Taliyaha bilayska Dallas, Rene Hall, ayaa shir jaraa’id ku sheegay Jimcihii in dhacdadani ay u muuqatay “xaalad dhif ah”.

“Ilaa hadda waxaa jira su’aalo badan, ma aha jawaab.”

Bilayska ayaa sheegay in ay boolisku ka qaadeen tijaabo dhiig ah si ay u tijaabiyaan isla markaana ay helaan amar ay ku xirnaayeen.

Subaxnimadii Jimcaha, saxafiga bilayska Warren Mitchell ayaa sheegay in bilaysku aan wali waxba su’aalin.

Mitchell wax faallo ah ka bixinin haddii uu sarkaaladu si qalad ah u maleeysay in dhibanaha uu ku dhex dhacay gurigeeda markii la toogtay.

“Weli waxaan haynaa wax badan oo aan ku sameyno baadhitaankan,” ayuu yiri Mitchell.

Bilaysku wax su’aalo ah kama aysan weydiin illaa iyo wakhtigaas, mana jirin cid markhaati u ah dhacdada.

Waaxda Bilayska ee Dallas iyo xafiiska xeer ilaalinta deegaanka ayaa sameeya baaritaan wadajir ah.

Jean waxa uu tababar ku lahaa shirkad Dallas ah, sida uu sheegay NBC News.

Allie Jean, hooyadii, ayaa u sheegtay NBC in qoyskiisa uu la yaabay warkii uu geeriyooday.

“Waa inuu ahaadaa qof wax u dhimanyihiin, qofka aan ogaanin inuu guriga ku galo qalad, waayo waa guri qof kaliaya ku noolyahay, aad ayuu uga duwan yahayna  guryaha kale.”

“Haddii aad tijaabiso furahaaga oo aadan furin albaabka, waxa aad ku ogaaneysaa inaad ku jirto guri kale.” waxa tidhi dhibanaha hooyadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here