Hargeisa{sompipsmedia}:–

Kaddib laba sannadood oo xaalado adag uu ku soo qaatay saddex dal, halkaas oo ay muddo ku haysteen kuna kala iibsadeen mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo mar uu ka badbaaday doon shidaalkii goosatay oo muddo badda sabaynaysay – mar uu isku dayay inuu ka tallaabo badweynta Mediterranean-ka – ayuu ugu dambayntii Maxamed rajadii ka quustay.

Layla, oo ah 21-jir, una dhixi jirtay ninkaasi Soomaaliga ah, waxay xasuusataa maalintii uu ninkeeda dabka isqabadsiiyay taasoo uu u dhintay. Arrintaas waxaa ku dhaliyay kaddib markii uu maqlay in aanay ku jirin liiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Waxaa lagu waday in dadkaasi laga daadgureeyo xarunta dadka lagu hayo ee Tariq al-Sikka, halkaas oo ku taal magaalada caasimadda ah ee Tripoli, ayna maamulaan maleeshiyaad gacansaar la leh dowladda. Waa goobta ay Qaramada Midoobay dadkaasi ku siineysay gargaarka bini’aadamnimo. (Magaca lamaanaha waxaa loo badelay ammaanka Layla awgeed.)

“Waxaa naloo sheegay in la joogo waqtigii aannu bixi lahayn. Markii diiwaanka cusub uu soo baxay, Maxamed wuxuu iga codsaday inaan tago oo aan soo eego liiska. Hasayeeshee magacyadeenna liiska kuma aanay jirin. Waxaa qasab igu aheyd inaan u sheego in markale nalaga reebay.

“Dad badan oo gadaashayo yimi ayaa tegay. Maxamed aad ayuu arrintaasi uga walaacay. Salaadda makhrib waxyar uun ka hor ayey aheyd markii uu shilku dhacay. Maxamed oo gubtay ayaan arkay. Waxaa la ii sheegay inuu shidaal isku shubay kaddibna dab isqabadsiiyay.”

‘Waxaa lagu waday in halkaas laga saaro’

Layla ayaa sheegtay in xaaladaha xarunta lagu hayay ay aheyd mid aad u xun. Xeradaa waxay ka mid tahay 12 xarumood oo ku yaala galbeedka Liibiya oo ay qeyb ahaan maamusho dowladda Tripoli.

“Waxaa qol yar la igula xiray 50 kale oo haween ah waxaanna ku xaajo gudanaynay baaldi.

“Cunno maynaan helaynin, biyo nagu filanna maynaan haysanin. Dad badan waxay la xanuunsanayeen Qaaxo, qaarbaa gacmahayga ku dhintay. Waa la i garaacay oo waxaa nalagu jirdilay koronto,” ayey BBC-da u sheegtay.

Migrants being held in a detention centre in Zintan, Libya
Image captionMuhaajiriinta kuwan oo kale ah ee sawirka bisha July loogaga qaaday xerada Zintan, ayaa lagu hayaa xeryo buux dhaafay

Maxamed wuxuu markii dambe ku dhintay isbitaalka, ayey tiri.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR waxay BBC-da u sheegtay in shaqaale ka tirsan Hay’adda uu maalinta ninka dhintay uu booqday xaruntaasi dadka lagu hayo, hasayeeshee booqashadiisa wax xiriir ah lama aanay lahayn.

“Ninkan dhintay ee magangalya doonka ahaa iyo xaaskiisa waxaa labaduba lagu waday in bisha soo socota halkaas laga saaro,” ayey Qaramada Midoobay ku dartay.

Hay’adda ayaa diidday in shaqada ay xeradaas ka qabato aanay sharci ka dhigayn arrinta, waxayna sheegtay in ay “dhab ahaantii gacan ka gaysato sidii loo horumarin lahaa xaaladaha halkaasi ka jira”.

Balse qaar ka mid ah howlwadeennada gargaarka ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray, laba kooxoodna waxay joojiyeen shaqooyinkii ay UNHCR la wadeen.

Lamaanaha waxa ay isaga soo carareen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Soomaaliya sannadkii 2016, waxayna ku damb

eeyeen gacanta kooxo burcad ah oo dadka tahriibiya oo ku sugan waddanka Liibiya.

BBC

Kaddib markii kooxo kootarabaanka ka shaqeeya ay isku xabadeeyeen deegaanka Bani Walid halkaas oo ku magac dheer caasimadda tahriibinta, dadka ee galbeedka Liibiya, waxaa u suuragashay inay baxsadaan oo ay doon ku raacaan ilaa 140 muhaajiriin si ay isugu dayaan in ay ka tallaabaan badda Mediterranean.

Laakiin doontii waxaa ka dhammaaday shidaalka waxaana gacanta ku soo dhigay ilaalada xeebaha ee Liibiya kuwaas oo ay tababareen Midowga Yurub, waxaana si qasab ah ay ugu celiyeen magaalada Tripoli, halkaas oo muhaajiriinta uu kula kulmay qofka Qaramada Midoobay ka tirsan kaddibna waxaa lagu daadgureeyay gawaari milateri wxaana la geeyay xarunta dadka lagu hayo.

Short presentational grey line

‘Wadashaqeynta’ kala dhaxeysa ilaalada xeebaha Liibiya

Hay’adda UNHCR, oo howsheeda ay tahay inay ilaaliso qaxootiga, iyo hay’adda ay shaqo wadaagga yihiin ee Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM, waxay sidoo kale wajaheen dhalleecayn ka imanaysay shaqaalaha gargaarka iyo muhaajiriinta taas oo ku aaddan inay wadashaqeyn la leeyihiin ilaalada xeebaha Liibiya oo lagu eedeeyay inay galeen tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii ay ku gudajireen howlaha badbaadinta.

A Libyan coast guardsman stands on a boat during the rescue of migrants - archive shot 2017
Image captionIlaalada xeebaha Liibiya waxay qabteen kumannaan muhaajiriin ah

Tan iyo 2015-kii, hay’adaha UNHCR iyo IOM ee ka shaqeeya arrimaha muhaajiriinta ayaa tababar iyo qalab siiyay ciidanka ilaalada badda ee Liibiya kuwaas oo qabtay, dalkaasina ku celiyay in ka badan 15,000 oo muhaajiriin ah.

Dadka qaar waxay rumaysan yihiin in wada shaqeynta ay hay’adahaas Qaramada Midoobay la leeyihiin ciidanka ilaalada badda ay wax u dhimayso dhex dhexaadnimada labadaasi urur.

“Waxa ay kala shaqeeyaan Midowga Yurub si loo xaqiijiyo in dhibaatada muhaajiriinta aanay gaarin Yurub,” ayuu yiri qof ka shaqeeya arimaha bani’aadannimada.

“Waa ujeedada Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub, marka waxay ila tahay in UNHCR iyo IOM ay yihiin hay’adaha ujeedkaasi ka fulinaya gudaha Liibiya.”

Migrants protesting at a detention centre in Zintan, Libya - July 2019
Image captionMuhaajiriin ka dibadbaxaya xaaladaha ay ku wajahaan xerada Zintan, oo dalbanaya in UNHCR ay diiwaangeliso

Ku dhawaad 800,000 oo muhaajiriin ah iyo 50,000 oo ah qaxooti diiwaangashan ayaa hadda ku nool dalka Liibiya. Midowga Yurub ayaa xoojiyay tallaabooyiinka uu uga hortegayo in muhaajiriinta ay kaso tallaabaan badda Mediterranean.

Saddexdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan 2019, ku dhawaad 15,900 qaxooti iyo muhaajiriin ah oo ka gudbay badda Mediterranean ayaa gaaray Yurub, tiradaasi oo boqolkiiba 17 ka yar marka la barbardhigo mudadaasi oo kale sanadkii 2018.

Midowga Yurub ayaa war qoraal ah ku sheegay in “aanu dooneyn hor istaaggidda muhaajiriinta caalamka, balse uu kala shaqeynayo hay’adaha sidii loo maarayn lahaa muhaajiriinta, loona ilaalin lahaa xuquuqdooda si looga hortago safarrada khatarta badan ee is xambaarka ah ayna fursad ugu helaan qaababka sharciga ah ee badqabka leh”.

Presentational grey line
Presentational grey line

UNHCR iyo IOM ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan danaha iyo badbaadinta muhaajiriinta.

“Waxaan ka shaqeyno waa danaha muhaajiriinta ee ma aha danaha ciidanka badda. Waxaan u ololeynaa in muhaajiriinta ay ciidanka badda ku soo celiyaan xeebaha Liibiya aan xabsi loo taxaabin. Maalin kasta waxay shaqaalaheenna tagaan xabsiyada si ay u caawiyaan tahriibayaasha,” ayay IOM u sheegtay BBC.

Short presentational grey line

‘Gacan siinta’ maleeshiyaadka

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in mas’uuliyiinteeda ku sugan dekadaha laga soo dejiyo tahriibayaasha ay soo qabteen ciidanka ilaalada badda ay muhiim u yihiin diiwaangelinta iyo caawinta dadkaasi soogalootiga ah.

Balse, dadka arinkaa dhaliilsan oo ay ka mid yihiin kuwa u shaqeyn jiray UNHCR ayaa dareensan in ku sugnaanshaha shaqaalaha hay’adaasi ay sharciyad siinayso soo celinta sharci darrada ah ee lagula kaco muhaajiriinta iyo ku hayntooda xabsiyada.

Xarumaha dadka lagu hayo waxaa loo arkaa inay yihiin xabsiyo fursad u siiya maleeshiyaadka inay lacag ka sameeyaan maxaabiista ku xiran.

Armed militiamen on trucks in Tripoli, Libya - June 2019
Image captionMaleeshiyo hubaysan ayaa awoodda Liibiya gacanta ku hayay tan iyo markii xilka laga tuuray Mucammar Qadaafi 2011

“Qaxootiga sida Layla oo kale waxay halis ugu jiraan in la jir dilo, oo ay ku xadgudbaan ilaalada maandooriyaha badan isticmaala, habeenkii oo ay sarkhaanimo baahsan jirto. In la garaaco qaxootiga oo aanan haddana waxba la iska waydiin, iyo in go’aan ay ku gaaraan inay cunnada todobaadyo ka joojiyaan,” waxaa sidaasi sheegay Giulia Tranchina, oo ah qareen matalayay dadka ku go’doomay Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here