Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaalida markii loo dhiibay shaqada siyaasada waxay kala kulmeen cawaaqibkii ugu xumaa intii ay jireen taariikhda Soomaaliya.

Dib u milicsi milgihii dhaqanka ee ay lahaayeen oday dhaqameedku

Soomaaliya waxay lahayd taariikh dhaqameed soo jireen ah intii ay ku noolayd geeska Afrika,maamuus ama maqaam aad u fiican ayay ku dhex lahaayeen bulshada,shaqooyinka ay ku heleen maamuuskan,waxa kamid ahaa,xalinta Khilaafaadka kala duwan oo si madax banaan ay u dhex gali jireen ilaa ay damiyaan dhamaan khilaafka ka dhex dhaca bulshada,agaasinka guurka iyo jihaynta deegaano nabdoon oo caan ku ah nabad iyo caano,waana goobta ugu haboonayd ee lagu boqri jiray ama lagu caano shubi jiray oday dhaqameedka.

Maxaa iska badalay milgihii oday dhaqameedku lahaa

Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,waxa la burburay inta badan dhaqankii oo saldhig u ahaa,nabad kuwada noolaanshaha,waxa dhacay dagaalo sokeeye,arrinkan ayaa sabab u noqday in xal loo helo oday dhaqameedka lagu soo daro dibu heshiisiinta Soomaaliya.

Shirkii Carta Dadkii ka qaybgalay waxa ay u badnaayeen dad aqoonyahaniniin ah hogaamiye dhaqameed (isimo) wixii inta ka danbeeyey, waxay door lixdaad leh ka qaateen siyaasada Soomaaliya,hadii ay noqoto ansaxinta dastuurka,soo xulista dhamaan xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleedba ilaa waqtigan la joogo.

Laba daran mid dooro

Waxa marar kala duwan dhacay dilal oo loo gaystay oday dhaqameedyo lagu eedeeyay in ay ka qayb galeen ,ansixin dastuur iyo soo xulis xildhibaano,arrinkan waxa daba socday wareegto ay soo saareen ururka Al-Shabaab oo soo baxay.

Ururka Al Shabaab ayaa shan iyo afartan maalmood u qabtay Odayaasha Dhaqanka iyo Ergadii ka qayb galay soo xulista xildhibaanada dawlada federaalka,si ay isku diiwaangeliyaan,si ay Al-Shabaab uga hellaan damaanad ah inaanay dili doonin.

Talaabadan ayaa ku qasabtay Odayaal badan in ay u hogaan samaan amarka ururka Al-Shabaab,

Waxa soo baxay cadaadis hor leh oo ka soo wajahay Odayaasha,dhanka maamulada dawlada dhankooda oo dhigaya in loo aqoonsan doono dambiilayaal Odayaasha u hogaansama ururka Al-Shabaab.

BBC-da mar ay wareysatay Taliyaha qaybta booliska gobolka mudug ee galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar,waxay waydiisay odayaashan dhiban in loo yeedhay,haddii aysan tagin ay dhib la kulmayaan,hadaba in dhibkoodii mid kale loogu sii daro in aysan haboonayn,wuxu ku jawaabay,

”Wa loo yeedhay sabab ma noqonayso,bal aniga ha ii yeedhaan in aan u tago,awal ayuu hore u socday ama shaquu u hayayba,iyagaba cafis ayaa loo fidiyaa may yimaadan maxay kuwan ugu caga juglaynayaan,cidii u tagtaa nagama mid maaha,cadaalada ayay ku helayaan markii aan maxkamad hor gayno”

Arrinkan waxa ku noqonaysaa dhibaato culays badan Odayaasha dhaqanka oo aan helayn meel ay ku badbaadaan,

”Walwal ayaan ka muujinayaa arrinkan,dhinacaas odaygu in uu nafiso oo uu dhinac ka nabad galo ayaa la doonayaa,dawladuna sharuuc ayay leedahay,maxay Al-Sabaab kuugu yeertay,waxay u baahan tahay in sharciga la waafajiyo,anigu waxan qabaa ha dii la jabhadaynayo oo meesha sharciga laga saarayo waa wax kale,odaygu shabaab ma dalban isaguna ma aadin in lagu xidho anigu ma qabo”sidaas waxa BBC-da u sheegay nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha dhaqanka.

Dawlada Soomaaliya ma aysan samayn siyaasad lagu ilaaliyo amaanka odayaasha soo xula xildhibaanada baarlamaanka,balse xildhibaanadan ayaa hela xasaanad iyo amaankooda oo la sugo.

Waxa mar kale BBC-da uga waramay culayska ay arrinkani leeyahay nabadoon Xaad,”Meelaha laga qariban yahay ayay kamid tahay,oo aan loo samayn nidaam,waa run odayga markuu xildhibaanka keeno xariga ayaa lagala baxa,mushaharaad ma laha,ilaalo malaha”

Culayskan soo food saaray Oday dhaqameedkii soo xulay xildhibaanada ayaa ku sugan laba daran mid dooro,halka wali ay ku jiraan soo xulista xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul goboleedba.

Xigasho:{bbcsomali}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here